Maxaxweyne Shariif oo Nairobi kula kulmay Saraakiil Kenyan ah Diblomaasiyiin Calaami ah.

Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay gelinkii Danbe ka ambabaxay magaalada Muqdisho islamarkaana gaaray magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxa uu kulan la qaatay SaraakiilKa tirsan Dowlada Kenya iyo Diblomaasiyiin Caalami ah.

Madaxaweynaha Somaaliya iyo Saraakiisha Dowlada Kenya ayaa waxa ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya iyo sidii Dowlda Kenya ay uga qeby qaadan lahaayd ciidamo u soo dirida Soomaaliya, sidoo kale madaxweynaha ayaa la kulmay Diblomaasiyiin Caalami ah, waxa uuna uga warbixiyey xaalada Amaan ee Dalka, waxa uuna ka codsaday in la taageero Dowladiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya Shriif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in kulamo kale uu la qaato Diblomaasiyiin caalami ah, waxa safarkiisa lagu wadaa in uu uga sii talaabo Magaalada Qaahira ee dalka Masar si uu kulamo ula soo qaato Madaxda Dalkaasi.

Shalay ayey ahayd markii Madaxweyne Shariif oo shirjaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho eedeeyn kulul uu u jeediyey beesha caalamka, isagoona ku eedeyey in beesha caalamka ay ka gaabisay balan qaadyadii Dowlada KMG u sameeysay, waxa uuna ka deeyriyey xaalada Amaan ee dalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*
*