Wasiirka arrimaha gudaha oo booqanaya xeryo lagu tababarayo ciidamo ka tirsan dowladda KMG

C/qaadir Cali Cumar ayaa, sida la sheegay, wuxuu xalay ku baryay mid ka mid ah xeryahaasi, isagoona baaq iyo baraarujin u jeediyay ciidamada tababarka u socdo.

Wasiirka ayaa wuxuu ugu baaqay ciidamadaasi in ay la yimaadaan wax qabad dhab ah oo ammaanka iyo xasiloonida la xiriira.

“Waxaa la idinka rabaa in aad la timaadaan wax dadkii idinka horeeyay aysan la imaan, oo tusaale wanaagsan aad noqotaan,” ayuu yiri C/qaadir Cali Cumar, wasiirka arrimaha gudaha dowladda KMG.

“Dalka wuu burbursan yahay wuxuuna u baahan yahay daryeel dhab ah, shacabkuna wuxuu ku daalay colaadaha dheeraaday,” ayuu xusay C/qaadir Cali Cumar.

Dowladda KMG ayaa juhdi fara badan waxaa ay ku bixisaa sidii mar ay u yeelan laheyd ciidamo tayo leh oo suurta geliya in talada dalka ay gasho gacanta dowladda KMG.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*
*