Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyo oo dhawaan ku soo baxay doorashooyinkii ka dhacay Deegaanada Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Amaanka deegaanada Maamulkaasi.
Madaxweynaha cusub ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan Bulshada Maamulka somaliland in ay xoojistaan Amaanka ay heystaan isla markaana si wada jir ah uga hortaan wax kasta oo Amaanka qalqal gelin kara, si nolosha iyo xasiloonida ay heystaan u sii xoojistaan.
“waxa aan ku faano haddii aynu nahay Maamulka Somaliland waa nabada, haddii aysan nabadi jirin deegaanada oo dhan waa laga haajiri lahaa, marka si aan u sii xoogsano Amaanka aan heysano waa in Bulshada si iskaashi ah oo wada shaqeyn ah looga wada shaqeeyo xoojinta Amaanka” ayuu yiri Madaxweynaha cusub Maamulka Isku magacaabay Somaliland Axmed Maxamad Maxamuud Siilaanyo.
Sidoo kale madaxweynaha waxa uu cabsi ka muujiyey in ay Qaraxyo ka dhacaan Gobolka Sool oo hadda ay ka jiraan qalalaaso u dhaxeeya jabhada SSC iyo Ciidamada maamulka Somaliland.
waa markii ugu horaysay madaxweynaha cusub Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo bulshada deegaanada maamulkaasi ugu baaqo in ay si wada jir ah u xoojiyaan Amaanka deegaanadaasi si aysan uga dhicin arrimo lid ku ah amaanka.
